Type Here to Get Search Results !

Bandhig Buug iyo wacyi gelin

 Wacyi gelin iyo bandhig buug!

Waxaa 04.05.2024 caasimadda dalka Austria ee Vienna ku qabsoomay kulan wacyi gelin iyo bandhig buug oo ay marti noogu ahayd macallimad iyo barbaariso Nimco Noor, waana kulankii ugu horreeyey ee noociisa ah ee lagu qabto magaalada, waa kulan ay ka muuqatay khibradda iyo waaya aragnimada durugsan ee ay nimco leedahay annaguna aad ayaan uga faa, iideysaney waxaanan rajeynayaa inuu wax badan ka beddeli doono hab nololeedkayaga iyo fahanka qurbaha iyo Korinta carruurtaba, aad ayaan kaaga mahad celineynaa dhiiri gelinta iyo baraarujinta aad noo samaysay iyo buugaagta af soomaaliga ee carruurta, waxaa sidoo kale mahad naq mudan DrSuad Mohamed oo ahayd buundadii isku xirtay ee suurto gelisey ilaahay ka sokow, iney nimco Vienna timaado, waxaan sidoo kale u mahadnaqeynaa bulshadii soomaaliyeed ee sida wanaagsan uga soo qeyb galay.











Stichworte

Post a Comment

0 Comments
* Please Don't Spam Here. All the Comments are Reviewed by Admin.