Type Here to Get Search Results !

WAALIDIINTA SOOMAALIYEED EE KU NOOL WIEN

XOG LA HELAA TALO LA HELAA !
Waxaan waalidiinta soomaaliyeed ee kunool Wien ee carruurtoodu aadaan dugsiyada waxbarashada wadanka la socodsiineynaa inaan maalinta axadda oo bishu tahay 30.10.2022 saacaduna tahay 16.00 galabnimo qabanayno aqoon is weydaarsi ku saabsan sida uu u shaqeeyo nidaamka waxbarashada wadanka Austria, si ay inooga caawiso ogaanshaha fursadaha waxbarasho ee wadanka ka jira iyo kaalinta ay carruurteenu ka qaadan karaan.
Sidaas awgeed waxaan codsaneynaa inaad kulankaas nagala soo qeyb gashid, kulanka oo ka dhacaya xarunta waxbaradhada soomalida Austria Wien, cinwaanku waa Goldschlagstraße 22, 1150 si aad xog badan uga ogaatid nidaamka waxbarashada wadanka, wixii su, aal ah ee aad qabtidna lagaaga jawaabo.
MAHADSANIDIIN


 

Stichworte

Post a Comment

0 Comments
* Please Don't Spam Here. All the Comments are Reviewed by Admin.