Type Here to Get Search Results !

OGEYSIIS

Waxaan dhammaan bulshada soomaaliyeed ee ku nool Vienna la socodsiineynaa inaan qabaneyno xaflad aan ku dhiiri gelineyno ardayda soomaaliyeed ee dhamaystay waxbarashada sare qeybaheeda kala duwan sida:
1: Xirfadda (Teaching)
2: Dugsiga sare ee farsamada gacanta (HTL, HAK; HLW etc.)
3: Dugsiga sare ee waxbarashada guud ( AHS with Matura ).
Sidaas awgeed waxaan waalidiinta iyo cid kasta oo haysa xogta ardaydaas ay nala soo xiriiraan, si aan ardayna uga maqnaanin xafladda dhiiri gelinta iyo abaal marinta.
UJEEDADA XAFLADDAAN
1: In la dhiiri geliyo ardayda, loona muujiyo in la garab taagan yahay.
2: In ay is bartaan ardaydu dhexdooda.
3: In wadanka aan joogno la tuso tirada ardayda soomaaliyeed ee
waxbarashada sare dhamaystay.
4: In jiilalka yar yar ay helaan arday ay ku daydaan.
Diiwaan gelintu waxay bilaabaneysaa berri oo 08/02/2022 ah kuna eg 08/15/2022, maadaama aan dooneyno inaan isla bishaan xafladda qabano.
MAHADSANIDIIN

Stichworte

Post a Comment

0 Comments
* Please Don't Spam Here. All the Comments are Reviewed by Admin.